Mahad oo dhan waxay u sugnaatay ilaahay SWT
Siirada Nabi maxamed (NNKH) waa mid ka mid ah culuumta islaamka ugu qiimaha badan sababtoo ah sababtoo ah waxay muslimiinta ka caawisay inay fahmaan nolosha , akhlaaqda iyo halgankii nabi maxamed usoo maray faafinta diinta islaamka (NNKH). Waxaa laga bartaa siirada rasuulka siduu ilaaahay uvu doortay risalada, siduu u gudbiyay diinta, iyo dhibtii iyo imtixaanadii uu umaray faafinta diinteena barakaysan ee islaamka.
Qadiyada siirada nabiga waxa laga qoray kutub badan mar hore iyo imikaba balse kutub badan ma ayasan sugin, xaqiiqooyin badan oo ku saabsan siirada nabi maxamed (NNKH). Waxaana lagu daray dhacdooyin aan sugnayn oo ka hor imaanaya diinteena barakaysan ee islaanka. Qaar ka mid ah dhacdooyinkaasi waxay ku milmeen aragtiyo shaqsi ah taasoo keentay 8n xaqiiqadii siirada nabi maxamed qaloocato.
Sidaas awgeed waxa la isku dayay inaan inaan website kan islaamichistory.com aaan kusoo gudbiyo siirada Nabi maxamed (NNKH) anigoo kasoo uruurinaya kutubta siirada nabi maxamed (NNKH) laga diyaariyay kuwooda loogu kalsoonida badan yhy
