Qoyska Nabi maxamed NNKH waxa uu ka soo jeedaya banuu haashim oo ah qabiil ka tirsan ama ka mid ah quraysh
Magaca haashim waxa laga soo qaatay awoowgii haashin binu cabdi manaaf. Magiciisa dhabta aha waxa uu ahaa camr waxa loogu bixiyay haashim sababtoo ah waxa uu roodhida ku buburin jiray maraq hilib ah si uu dadka u quudiyo ama usiiyo
Haashim waxa uu ahaa nin aad u deeqdi ah oo dadka masaakiinta ah caaawin jiray. Wuxuu laha xilala muhiim ah oo uu ka dhexlay aabihii qusay.
● in uu waraabiyo dadka xajka yimaada
●Sidoo kale in uu quudiyo dadka xajka yimaada
1:Guurkii iyo geeridii haashim
Haashim waxa laha ilo ganacsi oo uu ukala safro yeman iyo shaam intii uu ku jiray mid ka mida safaradiisii ayuu tagay magalaada madiina halkaas ayuu ku guursaday salma bint camr matkii ay uur yeelatay ayaa waxa uu u safray shaam halakaasna waa uu ku geeriyooday
2:Dhalasha abul mudalib
Geerida haadhim ka dib salma bint camr oo ahayd xaaska haashim ayaa ku dhashay magalada madiina will waxayna u bixisay shiiba, sababtoo ah timo cad aya ka muuqday mafixiisa wiilkaas waxa uu kusoo barbaaray agta hooyadiis iyo ehelkeeda.
Markii uu gaadhay da da 7 ilaa 8 sano adeer kiis mudalib ayaa u kexeeyay magalada makkah. Dadkii makka markii aya arkeen waaxy u maleeyeen inuu adoon yhy markaasay yidhaahdeen “adoonkii muddalib” sababtaas awgeed ayaa loogu bixiyay cabdul mudalib.
Cabdul mudaliib waxa uu ahaa nin qurux madan ugu na sharafta iyo qiimaha badan waqtigaas carab dhexdeeda. Waxa uu helay sharaf aan cid kale helin waxa uu ahaa sayid ka quraysh iyo hogaamiyaha makka . Waxa uu ahaa nin la ixtiraamo, la adeeco aadna u deqsi ah, waxaana lagu naanaysi jiraya “alfayaad” oo macneheedu yahay kan deeqda badan
Waxa uu cuntadiisa wax ka siin jiraya masaakiinta, xoolaha. Iyo shimbiraha. Sidaas darteed waxa lagu naanaysi jiray kan dadka ku quudiya banaanka, iyo kan shimbiraha iyo xoolaha ku quudiya buuraha dushooda.
Sidoo kale waxa uu sharaf ku helay inuu qoday ceelka ZAMZAM, qadib markii qabiilmii jurhum ay qariyeen kadib markii laga saaray magaalada makka waxaa lagu amray riyo dhexdeeda inuu qodo ceelkees waxana loo tilmaaamay meesha uu ku yaallo
maxa lagu xasuuta, wakhtiggiisii waxa dhacay dhacdadii caamul fiil, abrah al ashram aya ka yimi yeman isagoo wata 60,000 oo askar xabashi ah iyo maroodiyo, si uu udumiyo kacbada. Markii uu gaadhay dooxada muhassir oo udhaxaysa muzdalifah iyo mina, isagoo isku diyaarinaya inuu weerarro makkah ayaa ilahay waxa uu usoodiray shimbiro koox-koox ah iyagoo ku tuuraya dhagaxaan kulul. Dhacadadan waxay dhacday ka hor dhalashada nabi maxamed NNKH.

