Terms and condition

Bilawgii taariikhda islaamka ilaa casrigan

1: Hordhac

Taariikhda islaamku waa taariikh ku dhisan hanuun, caddaalad iyo isbadal wayn oo ku yimid nolosha aadamaha. Waxay ka bilaamatay fariin alle SWT usoo dajiyay nabi maxamed (NNKH) taas oo badashay jihadii diineed, akhlaaqeed iyo bulsheed ee dunida. Maqaalka wax uu is kooban oo faahfaahsan u dul istaagaya marxaladihii ugu waawaynaa ee taariikhda islaamka laga soo bilaabo bilawgii ilaa maanta.

2: xaaladii dunida ka jirtay kahor islaamka

Kahor imaanshihii islaamka, dunidu waxay ku jirtay jahli, sanam caabud, caddaalad daro iyo dulmi bulsheed, dumarka xuquuqdooda lama tix galin jirin, carab ta dhexdooda qabiilaysi iyo colaad joogta ah ayaa ka jirtay.

3: soo dagistii waxyiga iyo bilawgii islaamka

sanadkii 610 miilaadiga nabi maxamed (NNKH) ayaa lagu soo dajiyay waxyigii ugu horeeyay ee quraanka kariinka isagoo ku sugan god kii qaaru xiraa,

4:Hijradii iyo dhismaha dawladii islaamka

Hijradii nabi maxamed (NNKH) ka tagay maka una hijrooday madina waxay noqotay bilaw rasmi ah oo Dawlad islaami ah. Islaamku wuxuu noqday nidaam dhamaystiran oo hagaya diinta iyo bulshada.

5: faafitaankii islaamka

kadib geeridii ku timi xabiibkeema Muxammad (NNKH) saxaabada rasuulka ayaa sii waday faafinta islaamka. Islaamku wuxuu gaadhay dalaal badan sida ciraaq, masar iyo ardul xabash.

6:Boqortooyooyinkii islaamka

markii dambe islaamku wuxuu galay marxalad boqortooyo sida,cabaasiyiinta,cusmaaniyiinta, umawiyiinta iyo kuwa kale

7:islaamka casrigan

maanta islaamku waa diin ay haystaan maalaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida kuwaas oo ilaahay caabuda , Raaca oo guta waajibaadka ilaahay kana taga wixi uu ilaahay u diiday

8:gunaanad

dhaman sideeda qodob waxay qordhac u yihiim maqaalada aan kaga hadli doona websitekeena islaamichistory.com halkan kala soco.

islaamichistory.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *