Nasabka nabi maxamed

Nasabka Nabi maxamed(NNKH)

Nasabka nabi maxamed. Nabi maxamed(NNKH) waxa uu ahaa makhluuqaadka uu ilaahay abuuray khalqiga ugu sharafta badan waxa uu ahaa rasusha oo dhan rasuulka ugu fadliga badan, Nabi maxamed waana nabigii ugu dambeeyay ee uu ilaahay soo diray si uu dadka ugu bushaareeyo jano Ugana digo Naar. Nasabkiisu waa nasab aad u sharaf badan oo kasoo jeeda qabiillo caan ka ahaa carabta.

Magiciisu waa: Maxamed binu cabdilaahi binu cabdil mudalib binu haashim binu cabdi manaaf binu qusay binu kilaab binu Murrah binu kacab binu lu’ay.

Nabi maxamed (NNKH) hooyadii

Nabi maxaed (NNKH) hooyadii waxa la odhan jiray Aamina binti wahab bint cabdi manaaf bin suhrah bin kilaab. Sidaas darteed Nabi maxaed (NNKH) Hooyadii iyo aabihii cabdulaahi waxay ku Kulmaan awoowga 5aad oo ah kilaaab.0

Magaca dhabta ah ee kilaab waxa la sheegay inuu ahaa Xakiin, waxa kaloo la sheeega inuu ahaa curwah, lkn waxa uu aad uu aad u jeclaa ugaarsiga eeyaha sidaas darteed ayaa loogu magac daray Naanaysta kilaab. Taaso ka dhigta in carab dhexdeeda looga yaqaanay kilaab

Qabiilka Nabi Maxaed (NNKH)

Nabi maxamed (NNKH) waxa uu ka dhashay qabiilka Quraysh, oo ahaa qabiilka ugu sharafta badan carab dhexdeeda wakhtigaas, waxaanay ku noolaayeen magaalada makkah, waxaanay masuul ka ahaayeen ilaaalinta iyo in ay u adeegaan kacbada taasoo ka dhigtay qabiil sumcad iyo sharaf wayn ku leh carab dhexdeeda.

islaamichistory.com