Quraysh

Quraysh

Qabiika quraysh waa qabiilka uu nabi maxamed (NNKH) uu ka dhashay waxa uu ahaa qabiil aad loo sharfo oo carabta dhexdeeda maamuus iyo sharaf ku leh. Qabiilka quraysh odayaashiisu waxa ay ahaayeen odayaal ku suntan hogaamin iyo sumcad wanaagsan

qusay ibnu kilaab oo ka mid ah awoowyaasha nabi maxamed(NNKH) waxa uu ahaa oday si wayn uga dhex muuqday quraysh dhexdooda, isaga oo noqday qurash qofkii ugu horeeyay ee gacanta ku dhiga maamulka kacbada barakaysan

Dajinta Quraysh magaalada makkah

Waxa uu quraysh kasoo uruuriyay hareeraha maka al mukarramah si ay u dagaan magaalada maka oo ay unoqdaan kuwo midaysan oo awood leh. Waxa kale oo uu sameeyay nidaam lagu warabinayo xujayda timaada magaalaa makkah al mukarramah

Dhismaha Daaru Nadwah

Qusay ibu kilaab sidoo kale waxa uu dhisay kugri la yidhaahdo daaru nadwah oo u ahaa quraysh meel ay ku Shiraan sidoo kale ay goaamo waawayn ay ku gaadhaan

islaamichistory.com